Get Mystery Box with random crypto!

Mohamed Abdullahi Farmaajo

Logo saluran telegram mohamedfarmaajo — Mohamed Abdullahi Farmaajo M
Logo saluran telegram mohamedfarmaajo — Mohamed Abdullahi Farmaajo
Alamat saluran: @mohamedfarmaajo
Kategori: Tidak terkategori
Bahasa: Bahasa Indonesia
Pelanggan: 12.76K
Deskripsi dari saluran

9th President of Federal Republic of Somalia H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.

Ratings & Reviews

3.33

3 reviews

Reviews can be left only by registered users. All reviews are moderated by admins.

5 stars

0

4 stars

1

3 stars

2

2 stars

0

1 stars

0


Pesan-pesan terbaru

2024-03-29 20:01:05
11.9K views17:01
Buka / Bagaimana
2024-03-14 20:20:29
Dastuurka waa loo baahan yahay in la dhammaystiro, laakiin Dastuurka hadda dooddiisu socoto waa dastuur cusub. Waa dastuur la rabo in lagu beddelo midka aan hadda haysanno, dastuurku markuu cusub yahayna waxaa loo maraa process ka duwan midka hadda socda.
16.6K views17:20
Buka / Bagaimana
2023-06-27 19:11:17
47.8K views16:11
Buka / Bagaimana
2023-06-26 12:58:24
45.8K views09:58
Buka / Bagaimana
2023-05-29 11:47:37
Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan.

Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL).
48.3K views08:47
Buka / Bagaimana
2023-03-23 05:35:04
Bilashada bishan barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan muslimiinta adduunka oo idil.

Alle waxaan ka baryayaa in uu ina waafajiyo khayrka Bishani ay wadato ee cibaadada, daryeelka masaakiinta, garab istaagga danyarta iyo agoonta iyo guud ahaan acmaasha wanaagsan ee mar walba laga rabo in ay ku tilmaamnaadaan dadka Islaamka ah.

Ilaahay, fadliga bishan awgeed, hanooga yeelo dalkeenna mid barwaaqo ah oo nabad iyo horumar ku tallaabsaday.

Ramadaan Mubaarak.
43.7K views02:35
Buka / Bagaimana
2022-10-15 19:08:06
Hambalyo guusha ay soo hooyeen Xiddigaha 17- jirrada ah ee Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee tartanka da’ yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay leeyihiin hibo, adkeysi iyo karti ay kaga tilmaaman yihiin dhiggooda caalamka, sidaa awgeed waxay mudan yihiin in niyadda loo dhiso, mar walbana la garab istaago.

Waxaan ku bogaadinayaa maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka kubadda Cagta guushan taariikhiga ah.

HAMBALYO-HAMBALYO.
60.7K views16:08
Buka / Bagaimana
2022-06-26 00:52:23 FARRIINTA MUNAASABADDA 26-KA JUUN

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa 62 sano guurada ka soo wareegtay dharaartii xornimada Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun oo ah maalin qiima weyn ugu fadhida gobannimada iyo midnimada dalkeenna.

Halgankii gobannimo doonka, midnimada dalkeenna iyo isu-doonka ummadda Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Woqooyi ee dalkeenna.

Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta oo ka mid ah halgannadii ugu waawaynaa Qaaradda ee albaabada u furay in shucuubta Afrika ay cudud kala hortagaan gumaystihii soo duulay iyo doorkii halgameyaashii SNL oo iyaguna kaalin mug leh oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed ka qaatay gobannimada Goballada Woqooyi.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay weyneeyaan Toddobaadka Xorriyadda oo caawa inoo bilowday si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddaniyadeed ee bulshadeenna, sidoo kale na u muujinno muuhiimadda ay inoogu fadhido gobannimadu.

Hambalyo munaasabadda 26-ka Juun
68.5K views21:52
Buka / Bagaimana
2022-06-26 00:52:21
51.4K views21:52
Buka / Bagaimana
2022-05-01 13:04:15 DHAMBAALKA MAALINTA SHAQAALAHA ADDUUNKA

Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Waxaan xasuusannahay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay u soo dhabar adeygeen duruufo adag oo dalka soo maray, kuwaas oo ay ka mid yihiin caqabado amni, mushahar la’aan iyo ku tagri-fal xuquuqdooda iyo waajibaadkooda.

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, iyagoo ay ka go’an tahay horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaan ku boorrinayaa in ay dadaalkooda sii labo jibaaraan, doorkoodana ka qaataan xaqiijinta hiigsigeenna dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

Tan iyo sanadkii 2017, waxaan xaqiijinnay joogteynta xuquuqda mushaharka ee shaqaalaha dawladda, sidoo kalena waxaan ka shaqeynay meel marinta siyaasado iyo sharuuc kala duwan oo door weyn ka qaadanaya horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka shaqaalaha Soomaaliyeed, kan dawlad, ganacsatada iyo hay’adaha madaxabannaan, in ay mudnaan siiyaan xuquuqda shaqaalaha iyo xaaladda ay ku shaqeeyaan.

Ugu dambayn, waxaan Alle naxariistiisa u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo ugu adeegaya dalkooda cilmigooda, maskaxdooda iyo muruqooda.

HAMBALYO SHAQAALE WAYNAHA SOOMAALIYEED
46.4K views10:04
Buka / Bagaimana