Get Mystery Box with random crypto!

Mohamed Abdullahi Farmaajo

Logo saluran telegram mohamedfarmaajo — Mohamed Abdullahi Farmaajo M
Logo saluran telegram mohamedfarmaajo — Mohamed Abdullahi Farmaajo
Alamat saluran: @mohamedfarmaajo
Kategori: Tidak terkategori
Bahasa: Bahasa Indonesia
Pelanggan: 12.76K
Deskripsi dari saluran

9th President of Federal Republic of Somalia H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.

Ratings & Reviews

3.33

3 reviews

Reviews can be left only by registered users. All reviews are moderated by admins.

5 stars

0

4 stars

1

3 stars

2

2 stars

0

1 stars

0


Pesan-pesan terbaru 2

2022-05-01 13:04:10
32.4K views10:04
Buka / Bagaimana
2021-10-28 04:21:00 MADAXWEYNE FARMAAJO OO XEER KA SOO SAARAY KU TAKRI-FALKA IYO MUSUQMAASUQA DHULALKA DANTA GUUD EE XILLIYADA DOORASHADA.

Madaxweyne Farmaajo oo Xeer kasoo saaray ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada Doorashada.

Muqdisho, Oktoobar 27, 2021;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego;

Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah. Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh;

Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo;

Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysanna jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka;

Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan;

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed.

4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab.

5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
34.1K views01:21
Buka / Bagaimana
2021-09-03 17:52:20 MADAXWEYNE FARMAAJO OO SALAADDA JANAASADA KU TUKADAY ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUM MAXAMED CUMAR SAALIXI

Muqdisho, Sibteembar 3, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka ku tukaday salaadda janaasada ee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo lagu aasay Qabuuraha Sheekh Suufi ee Degmada Warta Nabadda.

Marxuumka oo ahaa halyey ku suntanaa dal-jacayl, hawl-karnimo iyo waddaniyad, ayaa door weyn ka soo qaatay difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isaga oo ka tirsanaa, laf-dhabarna u ahaa Guddiga Qaran ee Difaaca Baddeenna.

“Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cumar Saalixi waxa uu ahaa khabiir ku takhasusay maababka badaha iyo dhulka, isaga oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisii uga faa’iideeyey difaaca baddeenna. Waxa uu ahaa shaqsiga soo ururiyey wixii maabab iyo heshiisyo ahaa ee ku saabsan baddeenna, kuwaas oo inaga lumay xilligii burburka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo masuuliyiinta kale ee Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Maxamed Cumar Saalixi waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Goleyaasha Wasiirrada, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


DHAMMAAD
23.0K views14:52
Buka / Bagaimana
2021-05-02 13:48:04 Waxaannu go’aansannay inaannu xalka ku raadinno wada hadal iyo inaan fowdo loo bilaabin kuwa doonaya inay sarriftaan dhiigga shacabka balse aan tusaale u noqonno ilaalinta nabadda iyo badbaadinta shacabkeenna.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaannada Sharafta leh,

Sida aan horey u sheegay, xalka doorashadu waxa uu ku jiraa in si niyad sami ah loo wada hadlo iyada oo meel la iska dhigayo danaha gaarka ah, lana dhawrayo amniga muwaadiniinta oo ay ku habsadeen dhibaatooyin kala duwan sida argagaxisada, abaaraha ka jira gobollada qaar, aafada Covid-19 iyo dhibaatooyinka bulsho ee kale.

Shacabka Soomaaliyeed ma xammili karaan culeys intaas ka badan, waxaana la rabaa in ammaanadooda loo ilaaliyo, dimuqraadiyaddooda loo adkeeyo, dowladnimadoodana lagu xoojiyo dhaqankii suubbanaa ee aan lahayn oo ku dhisnaa qori isku dhiibka.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Waxaan dhammaantiin idinka codsanayaa, idinka oo xeerinaya duruufaha siyaasadeed ee dalka ku gadaaman iyo marxaladda cakiran ee aan ku jirno, inaad nala qaadataan in lagu laabto heshiiskii wada ogolka ahaa ee aad ansixiseen 26-kii Sibteembar 2020.

Golahan Sharafta leh, waxaan rabaa inaan caddeeyo in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo hirgelinta doorashada iyo amniga doorashada. Sidoo kale fulinta qorshaha amniga sida waafaqsan dastuurka dalka waxaa iska leh Ra’iisul Wasaaraha. Sidaa daraadeed, waxaan farayaa Xukuumadda in ay u diyaar garowdo hawshaas baaxadda wayn.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Gunaanadkii, waxaan rabaa inaan ugu baaqo siyaasiyiinta naga aragtida duwan in ay ka shaqeeyaan danta guud, ka waantoobaan kicinta dadweynaha, ka fogaadaan in amniga khatar la galiyo, una soo laabtaan dhabbaha wada hadalka, isqancinta iyo isu-tanaasulka. Jidkaas oo kaliya weey kan inoo furan.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan idin kula dardaarmayaa ha noqonnina xaabo la shito oo dano shaqsi ah lagu gaaro, danahaas shaqsi oo halligi kara naftiinna, maalkiinna, dalkiinna, dadkiinna iyo diintiinna. Sidoo kale, waxaan kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan in ay dhiirrigeliyaan nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, lana garab istaago Ciidammadeena Qalabka Sida oo habeen iyo maalin u taagan sidii ay u sugi lahaayeen amniga guud ee dalka, una ilaalin lahaayeen bedqabka muwaadiniinteenna.

Wabillaahi Towfiiq
19.9K views10:48
Buka / Bagaimana
2021-05-02 13:48:04 Muddadii aan xilka hayay, waxaan ku dadaalay inaan ka shaqeeyo sidii laanta sharcidejinta loo siin lahaa doorka dastuuriga ah ee ay ku leedahay dowladnimada dalka. Waxaan xaqiijiyay in heshiisyada masiiriga ah ee ay laanta fulintu gaarto aan u soo celiyo Baarlamaanka si ay uga doodaan, haddii loo baahdana ay u ansixiyaan. Waxa hore u dhici jirtay in doorka baarlamaanka dalka meesha laga saaro oo aan laga qeyb galin go’aannada masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka waddankeenna. Barlamaannadii idinka horreeyay waxaa la xiri jirey iyaga oo wali muddo xileedkoodu uu jiro si talada ay isugu koobaan dhawr qof oo kaliya.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

28-kii Diseembar 2019, waxaad ansaxiseen sharci dalka u jeheynayay doorasho qof iyo cod ah si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan xaquuqdooda dastuuriga ah. Nasiib darro, waxa sharcigaasi fashiliyay dad kasoo horjeeda in awoodda dib loogu soo celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madaxdooda iyo dadka ku matalaya hay’adaha dowladda.

Kaddib 8 bilood ku dhowaad wada-xaajood ah, 26-kii Sebtember 2020, waxaad ansixiseen Heshiiskii Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada 2020/2021 ee sida wadajirka ah uga soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS 17-kii Sebteember 2020. Sharcigaasi wuxuu dalka u leexiyay doorasho dadban oo ay dantu kalliftay balse ka durugsan dimuqraadiyaddii iyo dowlad-wanaaggii aannu dalka la rabnay.

Mar kale ma fulin heshiiskaas aannu ku heshiinney 17-kii Sebteember 2020. Dadaalladii lagu turxaan bixinayay waxay qaateen lix bilood oo ku astaysan shirar joogta ah, wada-xaajoodyo gaar ah, xariirro iyo safarro shaqo si loo fuliyo heshiiskaas wada-oggolka ahaa.

Annaga waxaa naga go’nayd in dalku uu galo doorasho degdeg ah oo waafaqsan heshiiskaas iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo 2021 Baydhabo lagu gaadhey. Haseyeeshee, waxaan ka gudbi weynay caqabado gacan-ku-rimis ah oo laga lahaa ujeeddooyin gaar ah iyo dano gurracan.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

12-kii Abriil 2021, waxaad soo saarteen Sharci Gaar ah oo ku saabsan Jaheynta Doorashooyinka Federaalka si aad dalka uga badbaadisaan dib u dhac iyo hubanti la’aan ku yimaadda. Mar labaad, ayaad shacabka Soomaaliyeed fursad u siiseen dib u hanashada xuquuqdooda dastuuriga ah iyo doorashada dadka ay ku aaminayaan hoggaanka dalka.

Sharcigaas waxaa ka horyimid qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada, wuxuuna abuuray jawi cakiran. Magaalada Muqdisho waxa laga abuuray qalalaaso qorsheysan. Waxaa la bara-kiciyay shacab, waxaana khatar la geliyay naftooda iyo hantidooda. Hadda ba, su’aashu waxay tahay yaa abaabuley dhallinyaradaas hubeysan oo dhaqaalaha ku bixiyey?

Ka dowlad ahaan, mar kasta waxaan ku dadaalaynay in la ilaaliyo xasilloonida dalka iyadoo aan si kasta oo suurtagal ah ugu dadaalnay in dhawaaqa rasaasta laga ilaaliyo dhagaha shacabka magaalada Muqdisho.

Waxaan idiin sheegayaa Magaaladan anigu qof ahaan lexejeclo weyn ayaa iga haysa, maxaa yeelay anigu Magaaladan ayaan ku dhashay, ku barbaaray, dugsi Qur’aan ka bilaabay, sidoo kalena dugsiga hoose ilaa dugsiga sare aan ugaga aflaxay. Magaaladani waa magaalo Soomaaliyeed oo wanaagsan, waxaan rabaa in Caasimaddani ay noqoto caasimad bilicleh oo weyn, dad badani ay deggen yihiin, xuddun u noqota dhaqaalaha, lana tartanto caasimadaha kale ee adduuunka; intaasina waxa ay ku imaan kartaa in ay Caasimaddu ahaato mid nabad ah oo xasilloon.

Run ahaantii, lama oggolaan karo in dalkeenna iyo Magaaladani ay mar labaad ku laabtaan dhabbadii foosha xumayd ee uu dalku qaaday 30 sanno ka hor. Sidaasi awgeed, waxaan doorannay inaan u hiillinno xasilloonida dalka iyo inaan khilaafka dhexdeenna ah shisheeye ka faa’iidaysan oo aannu dhexdeenna ka xallisanno si aanay dowladnimadeenna curdanka ahi nooga burburin.

Waxaaan rabaa inaan halkan uga faa’idaysto inaan tacsi u diro dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartey xiisadihii magaalada ka dhacay maalmihii la soo dhaafay kuwaas oo ahaa kuwo laga murugoodo oo laga baaqsan karay. Alle ha u naxariisto intii ku dhimatay, intii dhaawacantayna Alle ha ka kiciyo.
19.1K views10:48
Buka / Bagaimana
2021-05-02 13:48:04 Khudbaddii aan ka jeediyey Kulanka Gaarka ah ee Golaha Shacabka

Muqdisho, Sabti 1-da May, 2021

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

• Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo Ku Xigeennadiisa
• Xildhibaannada Sharafta leh
• Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
• Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho
• Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud
• Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida
• Bahda Saxaafadda iyo
• Dhammaan marti sharafta kale

Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Assalaamu calaykum Waraxmatullaahi Wa Barakaatuh

Waxaa sharaf ii ah inaan maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da May 2021-ka aan idin ku hor imaaddo kulankan gaarka ah si aan idin kaga warbixiyo xaaladihii u dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha xasaasiga ah ee taabanaya doorashooyinka dalka.

Waxaan idin kaga mahadcelinayaa inaad iga aqbasheen codsigeygii ku aaddanaa inaan idin kala soo qeybgalo kulankan gaarka ah, si waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’iideysto inaan halkan hambalyo uga diro dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed oo maanta u dabbaal dagaya Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Waxaad tihiin muruqa iyo maskaxda ka dambeysa guulaha aan gaarnay sannadihii u dambeeyay, waxaanna sii xoojin doonnaa ilaalinta xuquuqdiinna aasaasiga ah oo ay Dowladdu joogtaysay 4-tii sano ee u dambeeysay.

Waxaan rabaa si gaar ah inaan ugu mahad celiyo shaqaalaha dowladda shaqadii ay qabteen oo isxilqaanka ahayd taasoo ay ku dhiseen xarumaha dowladda sida, Maktabadda Qaranka, Tiyaatarka Qaranka, Madxafka Qaranka, iyo taallooyinkii astaanta u ahaa Qaranka.

Xildhibaannada Sharafta leh,

Waxaan rabaa inaan idinku bogaadiyo sida naf-hurnimada leh ee aad dalkan ugu soo shaqayseen 4-tii sanno ee la soo dhaafay idinka oo si xilkasnimo leh u gutay xilkiinna dastuuriga ah, kana shaqeeyay dejinta shuruuc badan oo aan anigu saxiixay kuwaas oo bud-dhig u noqonaya dowladnimada dalkeenna.

Waxaa kale oo mahadcelin mudan Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda oo intii aan hoggaanka dalka hayay dadaal xooggan geliyay sidii waddanka looga hirgelin lahaa dib u habaynta ballaaran ee is beddelka ku sameeyey dhanka dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa, dib-u-dhiska iyo dib u habaynta Ciidammada Qalabka Sida, la dagaallanka argagaxisada, ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka dabiiciga ah, soo celinta astaamihii qarannimada Soomaaliyeed, ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo soo celinta sharaftii uu dalkeennu ku lahaa guud ahaan caalamka iyo gaar ahaan gobolka aan ku nool nahay ee Geeska Afrika. Run ahaantii, afartaas sanno hawsha la qabtay waa mid baaxad weyn oo go’aamin doonta aayaha danbe ee dowladnimadeenna, raadad muuqdana ku yeelan doonta mustaqbalka dalka.

Sidoo kale, waxaan ammaan u jeedinayaa geesiyaasheenna gabdhaha iyo wiilashaba leh ee Ciidammada Qalabka Sida oo dhaxanta iyo kulaylka u taagan sidii ay Soomaaliya ugu soo noqon lahayd maqaamkii ay ku lahayd caalamka iyo tan godolka aan ku nool nahay.

Waxaa xusid mudan in taageerada iyo dhiirrigelinta shacabka Soomaaliyeed ay mar walba ciidankeenna galinaysay firfircooni, geesinnimo iyo dal jacayl, waxaana ku boorrinayaa in lasii xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo dadweynaha Soomaaliyeed si aan u xaqiijinno hiigsigeenna ah Soomaaliya nabad ah, Soomaaliya mid ah iyo Soomaaliya nabad kula nool dariskeeda iyo caalamkaba.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Laanta Sharcidejintu waxa ay udub-dhexaad u tahay jiritaanka qarannimadeenna iyada oo u xil saaran dejinta iyo ansixinta sharciyada muhiimka u ah dalka, ilaalinta iyo dhawrista dastuurka iyo shuruucda kale ee qaranka iyo kor joogtaynta laamaha kala duwan ee dowladda.

Sidaasi darteed, dhammaan arrimaha masiiriga ah ee la xiriira mustaqbalka iyo jihada dalkeennu aadayo waxaa khasab ah in Baarlamaanku door ku yeesho, isla markaana uu noqdo marjaca iyo meesha loola laabanayo xallinta arrimaha murugsan.
16.4K views10:48
Buka / Bagaimana