Get Mystery Box with random crypto!

DHAMBAALKA MAALINTA SHAQAALAHA ADDUUNKA Munaasabadda Maalint | Mohamed Abdullahi Farmaajo

DHAMBAALKA MAALINTA SHAQAALAHA ADDUUNKA

Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Waxaan xasuusannahay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay u soo dhabar adeygeen duruufo adag oo dalka soo maray, kuwaas oo ay ka mid yihiin caqabado amni, mushahar la’aan iyo ku tagri-fal xuquuqdooda iyo waajibaadkooda.

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, iyagoo ay ka go’an tahay horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaan ku boorrinayaa in ay dadaalkooda sii labo jibaaraan, doorkoodana ka qaataan xaqiijinta hiigsigeenna dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

Tan iyo sanadkii 2017, waxaan xaqiijinnay joogteynta xuquuqda mushaharka ee shaqaalaha dawladda, sidoo kalena waxaan ka shaqeynay meel marinta siyaasado iyo sharuuc kala duwan oo door weyn ka qaadanaya horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka shaqaalaha Soomaaliyeed, kan dawlad, ganacsatada iyo hay’adaha madaxabannaan, in ay mudnaan siiyaan xuquuqda shaqaalaha iyo xaaladda ay ku shaqeeyaan.

Ugu dambayn, waxaan Alle naxariistiisa u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo ugu adeegaya dalkooda cilmigooda, maskaxdooda iyo muruqooda.

HAMBALYO SHAQAALE WAYNAHA SOOMAALIYEED