Get Mystery Box with random crypto!

Nin ayaa hadal hays u lahaa :- Nimanka xooga weyn , nimanka no | Geel Podcast

Nin ayaa hadal hays u lahaa :- Nimanka xooga weyn , nimanka noo soo xooga waan u mahadcelinaynaa, oo uu uga socday kuwa nagu adkeeya/ xidha xogaha kuwa noo soo dhaca / hackers gareeya." Lama yaqaan!
_____________
Bilaash ayaad meelo badan wax kaga Baran kartaa oo adduunka ku yaal haday kaa go’antahay joogtayntana badiso. Halkan waxaan kugula wadaagi doonaa 10 kanaal oo ku bari doona xirfado ka badan shahaadada 4-sano:- Fiidiyow kastaa wuxuu kaa caawinayaa inaad ka fiicnaato shalay.
1. Crush course
https://lnkd.in/dkvNdG_K
CrashCourse waxa tahay channel
10-12 daqiiqo oo fiidiyow soo daaya oo bixiya casharro badan oo ku saabsan dhaqaalaha, fiisigiska, falsafada, xiddigiska, siyaasadda, cilmi-nafsiga, suugaanta, iyo bayoolajiga.
2. Khan Academy
https://lnkd.in/dEiZqiGe
Haddii aadan waligaa horay u isticmaalin shabakada Khan Academy, waa ilo waxbarasho oo bilaash ah oo leh casharro ku saabsan dhammaan noocyada maaddooyinka.
3. Thomas Frank
https://lnkd.in/d7NpmMcf
Kanaalka Thomas Frank waxa loo yaqaan (Geek )Xogta Kulliyaddaha waxa uu daabacaa fiidiyowyo ku saabsan waxbarashada iyo caadooyinka iyo talooyinka kaa caawin kara inaad si fiican u qabato fasallada kulliyaddaada aad dooran rabto.
4. The school of life
https://lnkd.in/dBq4wCxi
Channelkan waa meel isku dayaysa inay ka jawaabto su'aalaha waaweyn ee nolosha.
Waxaana lagu soo bandhigaa Qiimaha ugu Wanaagsan ee Daraasaadka Ganacsiga iyo lacagaha dhigashadooda.
5. TED
https://youtube.com/c/TED
TED waa urur aan faa'iido doon ahayn oo u heellan fidinta fikradaha, badiyaa qaab hadal gaaban, awood leh (18 daqiiqo ama ka yar).
6. MIT OpenCourseWare
https://lnkd.in/dgzhyHVJ
Ma ogtahay inaad tagi karto fasalka MIT adigoon dhab ahaantii aqbalin?
Kuwa aan garanayn waxa MIT ay tahay, waa jaamacad heer sare ah oo xidhiidh la leh jaamacada Boston university oo aan ahayn uun Maraykanka oo keliya laakiin adduunka oo dhan.
7. Bozeman science
https://lnkd.in/dwYD25BE
Ma jeceshahay sayniska ? habka ugu wanaagsan ee lagu barto sayniska ? Paul Andersen ayaa kaa caawin doona inaad si qoto dheer u fahanto sayniska.
8. FreeCodeCamp
https://lnkd.in/dbgDuqHZ
Channelkan ka baro :- sida lacag la'aan aad ku samayn karto code , Web developers and programmers , Ku baro bilaash courseyonika HTML, CSS, JavaScript, Python, iyo in ka badan
9. Charisma On Command
https://lnkd.in/dFk2uCRy
Ma rabtaa inaad noqoto qof soo jiidasho leh oo kalsooni badan? Channel kan waxa uu ku siin doonaa duruus ku saabsan: Sida kalsooni badan loo yeesho, sida dadka looga qosliyo, Sida loo jeclaado.
10. Better than yesterday
https://lnkd.in/dNsdYn8n
Inad shalay ka fiicnaato hadaad rabto Channelkan Wuxuu ku siin doonaa :- Casharro koobkooban oo ku saabsan horumarinta shakhsi ahaaneed , Iyo buug ka hadlaysa dhisida horumarined ee qofka.
Ku biiri faalada hoose intaad ogtahay adiguna Lana wadaag saaxiibadaa. Insha Allah Websiteyo badan oo kaa saacidi doona dhanka cilmi baadhista, qorista buugta kolkaad ku jirto waan soo gelin doonaa Halkan kala soco.