Get Mystery Box with random crypto!

Geel Podcast

Logo saluran telegram halmirir — Geel Podcast G
Logo saluran telegram halmirir — Geel Podcast
Alamat saluran: @halmirir
Kategori: Tidak terkategori
Bahasa: Bahasa Indonesia
Pelanggan: 168
Deskripsi dari saluran

Kusoo dhawow Geel Podcast

Ratings & Reviews

3.33

3 reviews

Reviews can be left only by registered users. All reviews are moderated by admins.

5 stars

1

4 stars

1

3 stars

0

2 stars

0

1 stars

1


Pesan-pesan terbaru

2023-05-08 20:25:05 https://bit.ly/3nFz8u5
22 views17:25
Buka / Bagaimana
2023-05-03 22:15:26 https://bit.ly/42ipCvK
42 views19:15
Buka / Bagaimana
2022-12-29 07:36:37
77 views04:36
Buka / Bagaimana
2022-12-27 17:03:56
Aniguna, hadda, naftayda waan xidhay. Qofna uma sheego waxaan aaminsanahay, waxaan ka fakarayo iyo waxaan jeclahay. Anigoo og in la igu xukumay kalinimadan naxdinta leh, waxaan tixgeliyaa arimo, aniga oo aan waligay fikradayda ka dhiiban.

Maxay taraysaa ra'yiga, doodaha, raaxaysiga, rumaysadka? Ma awoodin inaan cidna wax la wadaago, wax walba waan ka xiiso dhacay.

Fikradahayga aan la arki karin ayaa ah mid aan la sahamin. Waxaan haystaa jawaabo aan isticmaalo si aan uga jawaabo su'aalaha maalinlaha ah, iyo dhoola cadeynta oranaysa 'Haa' marka aanan rabin inaan ku dhibo hadalka.

#halmirir
67 views14:03
Buka / Bagaimana
2022-12-25 14:02:46
59 views11:02
Buka / Bagaimana
2022-12-25 03:31:36
Khadiija Mahamuud oo looyaqaanay ( Khadiija Qalanjo)
Waa Fanaanad ka mid ahayd fanaaniintii hobolada waaberi. Waa fanaanadii diiday Madaxwaynihii Dalka African ah ee Mobutu Sese Seko ee dalkii la odhan jiray Zaire hadana loo yaqaano Congo markii uu Madaxwaynihii Soomaaliya ee Jaale Maxamed Siyaad barre waydiistay.

Marki ay diidayna intuu Hindia tagay Actress hindiyad ah soo guursaday. Khadiija qallanjo waxay ku sawiraan jirtay buugaagtii Schoolka lagu dhigan jiray Soomaaliya. Hada waxa ay ku nooshahay Dalka Uk . Deegaan Ahaan waxa ay ka soo jeedaa Gobolka Awdal ama magaalada Lafa ciise
God bless her
54 views00:31
Buka / Bagaimana
2022-12-24 20:39:36 Nin ayaa hadal hays u lahaa :- Nimanka xooga weyn , nimanka noo soo xooga waan u mahadcelinaynaa, oo uu uga socday kuwa nagu adkeeya/ xidha xogaha kuwa noo soo dhaca / hackers gareeya." Lama yaqaan!
_____________
Bilaash ayaad meelo badan wax kaga Baran kartaa oo adduunka ku yaal haday kaa go’antahay joogtayntana badiso. Halkan waxaan kugula wadaagi doonaa 10 kanaal oo ku bari doona xirfado ka badan shahaadada 4-sano:- Fiidiyow kastaa wuxuu kaa caawinayaa inaad ka fiicnaato shalay.
1. Crush course
https://lnkd.in/dkvNdG_K
CrashCourse waxa tahay channel
10-12 daqiiqo oo fiidiyow soo daaya oo bixiya casharro badan oo ku saabsan dhaqaalaha, fiisigiska, falsafada, xiddigiska, siyaasadda, cilmi-nafsiga, suugaanta, iyo bayoolajiga.
2. Khan Academy
https://lnkd.in/dEiZqiGe
Haddii aadan waligaa horay u isticmaalin shabakada Khan Academy, waa ilo waxbarasho oo bilaash ah oo leh casharro ku saabsan dhammaan noocyada maaddooyinka.
3. Thomas Frank
https://lnkd.in/d7NpmMcf
Kanaalka Thomas Frank waxa loo yaqaan (Geek )Xogta Kulliyaddaha waxa uu daabacaa fiidiyowyo ku saabsan waxbarashada iyo caadooyinka iyo talooyinka kaa caawin kara inaad si fiican u qabato fasallada kulliyaddaada aad dooran rabto.
4. The school of life
https://lnkd.in/dBq4wCxi
Channelkan waa meel isku dayaysa inay ka jawaabto su'aalaha waaweyn ee nolosha.
Waxaana lagu soo bandhigaa Qiimaha ugu Wanaagsan ee Daraasaadka Ganacsiga iyo lacagaha dhigashadooda.
5. TED
https://youtube.com/c/TED
TED waa urur aan faa'iido doon ahayn oo u heellan fidinta fikradaha, badiyaa qaab hadal gaaban, awood leh (18 daqiiqo ama ka yar).
6. MIT OpenCourseWare
https://lnkd.in/dgzhyHVJ
Ma ogtahay inaad tagi karto fasalka MIT adigoon dhab ahaantii aqbalin?
Kuwa aan garanayn waxa MIT ay tahay, waa jaamacad heer sare ah oo xidhiidh la leh jaamacada Boston university oo aan ahayn uun Maraykanka oo keliya laakiin adduunka oo dhan.
7. Bozeman science
https://lnkd.in/dwYD25BE
Ma jeceshahay sayniska ? habka ugu wanaagsan ee lagu barto sayniska ? Paul Andersen ayaa kaa caawin doona inaad si qoto dheer u fahanto sayniska.
8. FreeCodeCamp
https://lnkd.in/dbgDuqHZ
Channelkan ka baro :- sida lacag la'aan aad ku samayn karto code , Web developers and programmers , Ku baro bilaash courseyonika HTML, CSS, JavaScript, Python, iyo in ka badan
9. Charisma On Command
https://lnkd.in/dFk2uCRy
Ma rabtaa inaad noqoto qof soo jiidasho leh oo kalsooni badan? Channel kan waxa uu ku siin doonaa duruus ku saabsan: Sida kalsooni badan loo yeesho, sida dadka looga qosliyo, Sida loo jeclaado.
10. Better than yesterday
https://lnkd.in/dNsdYn8n
Inad shalay ka fiicnaato hadaad rabto Channelkan Wuxuu ku siin doonaa :- Casharro koobkooban oo ku saabsan horumarinta shakhsi ahaaneed , Iyo buug ka hadlaysa dhisida horumarined ee qofka.
Ku biiri faalada hoose intaad ogtahay adiguna Lana wadaag saaxiibadaa. Insha Allah Websiteyo badan oo kaa saacidi doona dhanka cilmi baadhista, qorista buugta kolkaad ku jirto waan soo gelin doonaa Halkan kala soco.
45 views17:39
Buka / Bagaimana
2022-12-24 11:30:05 WAAQBARI

Erayga “WAAQ” sida aan ognahay waa “Alle,” Allihii Soomaalidu hore caabudi jireen ama magacii ay Alle u yaqaanneen. WAAQ ma ahayn sanam ama wax kale ee waxa uu ahaa imminkana yahay Allaha sarreeya ee awoodda leh.
In uusan WAAQ ahayn sanam iyo Alle qayrkii waxaa u daliil u ah Qur’aanka Kariimka oo Alle ku sheegay erayga Waaq oo la macne ah “Ilaaliye ama gargaare”.

لَّهُمْ عَذَابٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَلَعَذَابُ الآخِرَةِ أَشَقُّ وَمَا لَهُم مِّنَ اللّهِ مِن وَاقٍ. (Suura ar-Racdi – Aayadda 34aad)

Waaq afka Soomaaliya tif buu ku yahay asaga oo horgale ama dibgale u ah magacyo sida: JidWaaq, CaabudWaaq iwm. Sidaa oo kale dhaar ahaan ayuu ugu jiraa. Tusaale: “Waqay iyo Waaqay” = Weligay iyo Allahay.

Beri dhawayd waxa aan akhriyay buug magaciisu yahay DIRKII SACMAALLADA oo uu qoray Axmed Ibraahin Cawaale. Buuggaas waxa uu qoraagu ku macneeyay erayga “WAQOOYI” oo uu ku sheegay in uu macnihiisu yahay Waaq'ooyi oo la mid ah dhulkii Alle, kaas oo ah magac dhulkaasi (xeebaha waqooyi ee dhulka Soomaalida) lahaa waayihii hore. Masaaridii hore ayaa ka mid ah dadkii dhulka waqooyi ee geyiga Soomaalida u aqoon jiray dhulkii Alle ama dhulkii Ilaahyada. Inkasta oo uusan qoraaga buuggu macnayn ama faahfaahin macnaha eraygu marka uu labo u kala baxo (Waaq Ooyi?) Haddana runtii aniga waxa uu ii noqday bilig cusub oo ii baxay ii na iftiimiyay aqoon iyo ogaal cusub.

Intaas ka dib waxa aan isku dayay in aan baaro macnaha erayada saddexda (3) jiho ee kale: koofur, bari iyo galbeed. Nin aan ku tuhmayay aqoon durugsan oo uu afka iyo dhaqanka Soomaaliga u leeyahay baan xalay is helnay waxa aanan waydiiyay macnaha koofur, bari iyo galbeed. Koofur waa uu garan waayay, galbeedna waxa uu ku macneeyay “halkii qorraxdu u galbanaysay.” Waxa uu se si fiican faahfaahiyay “bari.”

Waxa uu yiri “bari macneheedu waa "Waaqbari." Waaq waa Alle bari na waa bilow. Qorraxdu waxa ay ahayd waxyaabihii Soomaalidii hore caabudi jireen ama ay Alle u sii mari jireen (Awliyo). Sidaas awgeed meesha qorraxdu ka soo baxdo waa WAAQBARI oo la macne ah halkii Alle ka soo muuqanayay. Dabadeed eraygu waa uu isdhalanrogay oo “Q” ayaa qarsoontay sidaasna ku noqday “Waabari.” Ugu dambayn “Waa"-dii ayaa laga tagay oo laga hawlfududaystay oo “bari” ayaa lagu gaabsaday”.

Hadda “Waabari” oo dadka qaar u qoraan “Waaberi” waxa aynnu u naqaan marka habeenka iyo maalintu isdhaafayaan iftiinka qorraxduna bari ka soo muuqdo.

Sidaa oo kale xaafado iyo degmooyi dalka ka mid ah ayaa magacaas loo bixiyay.

Dheeri

Jihada “GALBEED” waxaa gobollada qaar looga yaqaan “Qorraxsin” oo ah “Qorrax iyo Sin”.

Ku celis

W/Q Cali M. Diini
55 views08:30
Buka / Bagaimana
2022-12-23 22:18:02 Maalin wanaagsan.

Cuntadaadu ma aha kaliya waxaad cunto ee waa waxaad daawato, waxaad dhagaysato, waxaad akhrido, iyo dadka kugu wareegsan.

Maskaxda ku hay, waxyaabaha aad jidhkaaga galinayso dareen ahaan, ruux ahaan & muuqaal ahaan.
55 views19:18
Buka / Bagaimana
2022-12-23 10:57:49 Iska ilaali ha samayn labadan arin.
Marki aad wax cuntid ka dib biyo qabow ha cabin.
Marki aad wax cuntid kadib ha qubaysan.
58 views07:57
Buka / Bagaimana