Get Mystery Box with random crypto!

Calool istaag (Constipation) Maxaa keena calool istaagga? Wa | TILMAAME CAAFIMAAD

Calool istaag (Constipation)

Maxaa keena calool istaagga?

Waxyaabaha ugu badan ee keenna waxa ka mid ah cuntada qofku cunno oo ay ku yartahay cuntada baalka leh iyo inaanu qofku cabin biyo ku filan.waxyaabaha kale ee keena waxa ka mid ah dawooyinka loo qaato dhiigkarka CCB(Calcium channel blockers)dawada loo qaato dhiig yaraanta(Ferrous sulfate)dawooyinka loo qaato iskubuuqa(tricyclic antidepressants)lehna saamayn hoos u dhiga shaqada muruqyada(anticholinergic effects) iyo xanuunka ku dhaca qanjidhka thyroid ka ee markuu waynaadana Soomalidu fiixda u taqaan gaar ahaan markuu soo saarayo hormones ka yar inta caadiga oo la yidhaah(Hypothyroidism) markase uu soo saarayo hormoneska ka badan inta caadiga ah waxa la yidhaah(Hyperthyroidism)waxaanuu sababaa shuban .

Calamaaddaha Calool istaagga.

Calaamaddaha calool istaaga waxa ka mid ah,inay kugu adkaato saxaradu kuna soo dhaafi waydo ,inaad dareento calool xanuun ama calool casiraad inaad dareento dibiro iyo lalabo.

Sidee loo daweeyaa?

Madaama aanu calool istaaggu xanuun ahayn ee uu yahay calaamad muujinaysa xaalad jirta haka timaado cunnadaad cunto ama biyahaad cabto,ama dawo aad qaadato amaba xanuun kaloo ku haya waxa fiican in xaaladdaha sababi kara meesha laga saaro oo ah inaad cunto cunno baal leh inaad cabto biyo badan 2-3 litir maalintii ,inaad samayso jimicsi ama socod iyo inaad dhakhtarka u tagto hadday intaasi ku caawin waydo si loo oggaado sababta keentay uunna kuu siiyo dawo kugu haboon hana isku dayin inaad iskaa u qaadato dawooyinka caloosha socodsiiya waayo halis ayay naftaada galin kartaa haddaad qaadato xadi ka badan inta loogu talo galay.

W/Q:DrMawliid Kudar

Ila wadaag(share) adoo mahadsan si ay uga faa'idaystaan Soomaalida kale.